Jen. Maxamed Siciid Xersi (Morgan) ayaa looga guuleystay xildhibaanada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.
Doorasho goor dhoweyd la soo gabagabeeyay ayaa natiijadii ay noqotay tii ugu adkeyd ee lagu loolamo, waxaana codadkii la tiriyay ay natiijadii noqotay in Jen. Morgan looga adkaado kursiga Aqalka sare ee uu doonayay inuu ka mid noqdo xildhibaan ka tirsan.
Waxaa Jen. Morgan la tartamay Bootaan Barre Samatar oo kaga guuleystay loolanka adag iyadoo xildhibaanda Puntland ay meesha ka saareen Jen. Moorgan.
Jen. Morgan oo helay 27 cod
Bootaan Barre oo helay 38 cod

Jen. Morgan ayaa ah shaqsi muran badan ka taagan yahay oo taariikhdiisi hore ay ka buuxaan eedeymo xasuuq iyo dagaalo sokeeye, isagoo mar ahaa taliye ciidan oo dembi dagaal loo heysto iyo markii dambe oo uu noqday hogaamiye kooxeed.
Arrintan ayaa Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ka badbaadisay inuu ku soo biiro mid ka mida shaqsiyaadka muranka badan ka taagan yahay taariikh ahaan.
Wadani.com