Khilaaf ayaa hareeyay kulankii Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka, kadib kulan la filayay inuu maanta qabsoomo oo looga hadlo arrinta C/kariin Qalbi Dhagax.
Muran ayaa ka dhashay sharci ahaanshaha arrintan iyadoo xildhibaano ka tirsan Aqalka Sare ay gudbiyeen Mooshin ay ku dalbanayaan in arrinta Qalbi dhagax laga saaro ajendaha kulanka Aqalka Sare.
Xildhibaanada kale ee taageersan ayaa iyaduna diiday in ajendaha Qalbi dhagax laga saaro, iyadoo is mari waagga ay keentay markii guddoonka Aqalka Sare ay dhinac noqdeen, waxaana markii dambe shir gaara galay guddoonka Aqalka Sare si ay xaaladda soo korortay uga wadahadlaan.
Guddoomiyaha Aqalka sare iyo kuxigeenadiisa ayaa hadda kulan albaabada u xiran yahay u socdaa, iyadoo ka arrinsanayaa sidii looga gudbi lahaa isa mari waaga ka taagan arrintan.
Xildhibaanada Aqalka sare ee taageersan xukuumadda Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa dadaal weyn ugu jira inay meesha ka saaraan door uu Aqalka Sare ku yeesho arrimaha xukuumadda.