Warar isa soo taraya oo ka imaanaya Gobolka Bari ayaa sheegaya in maleeshiyo ka tirsan kooxda Daacishta Soomaaliya ay la wareegeen degmada Qandala ee Gobolka Bari.
Dadka degaanka Qandala ayaa sheegay in maleeshiyadan ay u sheegeen inay ka tirsan yihiin kooxda Daacish, iyagoo Qandala ka taagay Calanka lagu yaqaan kooxda Daacish.
Wararka oo hadda uun soo baxaya ayaan weli laga helin xog rasmi ah, waxayna dada degaanka Qandala sheegeen in dagaalyahanada ay daacad u yihiin hoggaamiyaha Ururka Daacish ee dalka Soomaaliya C/qaadir Sheikh Muumin.
Degmada Qandala ayaa 80-KM u jira magaalada ganacsiga Gobolka Bari ee Bosaso, iyadoo wararkii ugu dambeeyay ay sheegayaan in ciidamada Puntland loo diray halkaais.
Daacish ayaa saldhigooda ugu weyn ku leh Buuraha Galgala ee Gobolka Bari, iyadoo maamulka Puntland wax guul ah ka gaari waayay.
Wadani.com