Kulankii Baarlamaanka Soomaaliya ayaa markii saddexaad maanta qarka u saaran inuu baaqdo, kadib markii laga dareemay inaysan xaadirin xildhibaano badan.
Waxaa xarunta Baarlamaanka tegay xildhibaanno ku dhow kontomeeyo, iyadoo guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh oo muddo saacad ah ku daray si loo sugo xildhibaannada inay kooram noqon karaan.
Waxaa la sugayaa go’aanka Guddoomiye Mursal marka ay saacadu gaarto 11:00 subaxnimo, haddii aan la helin xildhibaanno gaaraya 138 oo kulanka lahu furi karo, iyadoo wararku sheegayaan in xukuumadda Soomaaliya ay Baarlamaanak u dejisay qorshe ah inuusan ugu yaraan furmin toddobaadkan.
48 xildhibaan oo ka tirsan Golaha wasiirada ayaa miisan ku leh Baarlamaanka, laakiin waxaa jira xildhibaanno badan oo taageersan xukuumadda, halka xildhibaannada ku kacsan xukuumadda aan warkooda la maqlin tan iyo Sabtidii hore.
Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya inuu fadhigii maanta ee Baarlamaanka furmay iyadoo ay soo xaadireen in ka badan 150 xildhibaan.