Kulankii xildhibaannada Golaha Shacabka ee maanta ayaa lagu dhawaaqay inuu baaqday.
Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in Guddoomiyaha Golaha shacabka Maxamed Mursal Sheekh uu shaaciyey inuu kooram la’aan u baaqday kulankii koowaad ee kalfadhigii labaad ee Golaha shacabka uu u baaqday markii ay soo xaadiri waayeen tiradii uu ku furmi lahaa.
Intii aanu kulanka furmin ayaa waxaa xarunta tegay xildhibaanno ka horjeeda xukuumadda Soomaaliya, kuwasoo watay boorar ay ku qoran yihiin inuusan Golaha shacabku ahayn GOLE SACAB.
Ajendaha maanta ayaa ahaa warbixin laga dhageysanayo Guddiga Dastuurka, taasoo ay ka hor yimaadeen qaar ka mida xildhibaannada oo dalbaday in ajendaha laga dhigo xaaladda amniga ee sii xumaaneysa.