Musharax u soo gudbay wareegga labaad ee tartanka Doorashada Guddoomiyaha Baarlamanaka ayaa shaaciyay inuu ka haray tartanka doorashada.
Musharax xildhibaan Shariif Maxamed Cabdalla oo ka mida 4 musharax ee wareegga labaad u gudbay oo helay 19 cod ayaa shaaciyay inuu ka haray tatanka kana tanaasulay xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka.
“Xildhibaanada sharafta leh waa hadleen, ma rabo inaan waqti kale ka qaado… qofkii meesha taga waa inuu noqdaa qof xilka madaxweynaha qaban kara, waana inaan u xulnaa qof mas’uuliyad qaadi kara…” ayuu yiri Shariifka.
Waxaa kaloo isna xilka ka tanaasulay C/casiis Xasan Maxamed laftagareen, wuxuuna caddeeyay inuu ka tanaasulay xilka si aan loo aadin wareeg saddexaad, una doortaan guddoomiyihii Baarlamaanka.
Wuxuu u mahadceliyay xildhibannada codka siiyay, wuxuuna ugu baaqay inay doortaan guddoomiye wadi kara baarlamaanka. Waxaa loo gudbayaa wareegga saddexaad iyadoo laga gudbay wareegii labaad iyadoo cod hal dheeri ah lagu kala bixi doona.
Waxaa wareegga saddexaad ku tartamaya:
1- Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan
2- Ibraahim Isaaq Yarow