Maamulka Jubbaland ayaa ka hadlay war maanta kasoo baxay Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya oo lagu sheegay in la dhammeeyay khilaafkii dowladda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada.
Madaxtooyada Jubbaland ayaa shaacisay inay soo dhoweyneyso go’aanka aqalka sare, balse aysan ka dhigneyn inuu soo gabagaboobay khilaafkii dowladda Federaalka iyo dowlad Goboleedyada ka dhaxeeyay.
Wasiirka Madaxtooyada Jubbaland Xirsi Jaamac Gaanni oo ayaa sheegay in mamulka Jubbaland ay soo dhoweyneyso go’aanka ay Aqalka sare soo saareen, laakiin aysan taasi macnaheedu ahayn inuu soo dammaaday khilaafkii Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada, Qoraalka Aqalka Sarena uu yahay wajiga koowaad oo jawaab iyo fulin laga sugayo Dowladda Federaalka.
Maanta ayay ahayd markii Guddiga Aqalka sare ee dhexdhexaadinta dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada uu ku dhawaaqay inuu dhammaaday khilaafkii, isla markaana 12 qodob la doonayo inay fuliso dowladda Federaalka.