War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in madaafiic dhowr ah oo hoobiyeyaal ah ay ku soo dhaceen agagaarka madaxtooyada Soomaaliya.
Qaraxyada ilaa afar madfac oo xoog leh ayaa la maqlay iyadoo dadka degmada Wardhiigley degan ay soo weriyeen in xaafadaha ku dhow madaxtooyada ay ku habsadeen hoobiyeyaasha.
Weerarkan ayaa imaanaya in ka yar saacad oo uu xilka la wareegay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, waxaana muuqata in Alshabaab ay farriin u direyso madaxweynaha Farmaajo.
Qasaaraha ay geysteen hoobiyeyaasha ayaan weli kala caddeyn, waxaana hay’adaha ammaanka looga bartay inay madaafiicda Alshabaab u duqeyso magaalada ku tilmaamaan kuwo macmal ah halkii ay ka hortegi lahaayeen.
Faahfaahin la soco…