Golaha Wasiirada Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa goor dhow loogu dhawaaqey magaalada Cadaado ee xarunta KMG ah ee maamulka Galmudug.
Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geele Xaaf ayaa magacaabay Golihiisa Wasiirada oo ka kooban 52 xubnood kuwaasi oo isugu jira 22 Wasiir 22 wasiir ku xigeeno iyo 8 Wasiiru dowlayaal.
Waxaa magacaabistaasi saxaafadda u akhriyay Max’ed Aadan oo ah Agaasimaha Madaxtooyada Dowlad Goboleedka Galmudug.
AKHRISO: Magacyada Golaha Wasiirada Galmudug ee madaxweyne Xaaf magacaabay