Waxaa hadda soo gaaray Garoonka diyaaradaha Muqdisho wafdi uu horkacayo madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta.
Wafdiga madaxweynaha Kenya ayaa ka qeyb galaya xafladda caleemasaarka madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo.
Warar hore u soo baxay ayaa sheegay in uu madaxweyne Uhuru Kenyatta ka baaqsaday xafladda Muqdisho, taasoo hadda ay muuqato inuu bedelay mowqifkiisii.
Madaxweyne Farmaajo ayaa hore dhambaal qoraal ah ugu diray madaxweynaha Kenya oo ku saabsan xiriirka labada dal iyo xafladda caleemasaarka.
Wadani.com