Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha cusub ee maamulka Hirshabeelle Cali C/llaahi Cosoble ayaa goor dhow laga sugayaa inay ka degaan garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho.
Safarka madaxweynaha Hirshabeelle ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee uu ku tago magaalada Muqdisho tan iyo intii la doortay, isagoo hogaaminaya wafdi ka tirsan maamulkiisa.
Scocdaalka Cali Cabdullaahi Cosoble iyo wafdigiisa ayaa ku saabsan yahay kulamo uu la yeelanayo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Wakiilada Beesha caalamka.
Madaxda iyo mas’uuliyiinta ka soo jeeda Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe ayaa ku jira qabanqaabada soo dhoweynta wafdiga madaxweynaha Hirshabeelle ayaa hadda ka socota magaalada Muqdisho.
Wadani.com