Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa goor dhoweyd gaaray magaalada Afgooye ee Gobolka Shabeelada Hoose.
Farmaajo iyo wafdiga la socda ayaa si weyn loogu soo dhoweeyay Afgooye, waxaana si weyn loo adkeeyay ammaanka degmada Afgooye oo la xiray isu socodka dadka iyo gaadiidka, isla markaana ciidamo aad u fara badan la dhoobay wadooyinka.
Madaxweynaha iyo wafdiga la socda ayaa maray dhinaca dhulka wadadda u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye, iyadoo ay hore madaxda dowladda diyaarad ku tegi jireen halkaasi arrimo dhinaca ammaanka ah dartood.
Ujeedka tegista Madaxweyne Farmaajo ee Afgooye ayaa la sheegay inay la xiriirto kormeerka xaaladda degmada oo dhibaato ba’an ay ku hayaan kooxda Alshabaab oo marar badan weerarro ku soo qaaday.
Waa markii ugu horeysay ee madaxweynaha uu booqdo Afgooye oo ah magaalada ugu dhow caasimadda Muqdisho oo hoostagta maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya.
Wadani.com