Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa markii ugu horeysay loo xiray wadadka Maka Almukarama ee hor marta madaxatooyada Villa Somalia.
Kolonyo uu la socday Madaxweyne Farmaajo oo kulan kula lahaa xarunta Madaxtooyada madxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ciidamada ilaalada waxay gebi ahaan jidka ka xireen Taaladda Sayidka ilaa Gurriga Hooyooyinka, iyadoo loo diiday wax dhaqdhaqaaq ah.
Xubno isugu jira wasiiro, xildhibaano iyo saraakiil ayaa ka mid ahaa dadkii galabta ku xayirmay wadadda, waxayna is weydiinayeen sababta wado xirista keentay iyo balanqaadkii Madaxweyne Farmaajo.
Waxaa la arkayay gawaari badan oo dib uga laabtay jidka xiran oo ah mid muhiim ah oo dad badan adeegsadaan iyadoo horena loogu sameeyay dhagxaa loo bixiyay askari jiifa oo aanay baabuurta socod xowli ah ku mari karin.
Madaxweyne Farmaajo oo berito lagu wado inuu xilka la wareego ayaanay sahlanyn inuu fuliyo balanqaadyadii doorashada, waxaana ku wareegsan xaalada adag oo ku qasbeysa inuu u dhaqmo si la mida madaxweynihii hore.
Wadani.com