Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa goor dhoweyd saxiixay Sharciga la-dagaalanka Musumusuqa oo labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ay ansixiyeen.
Xaflad lagu qabtay xarunta Madaxtooyada oo ay kasoo qeyb galeen mas’uuliyiin fara badan ayuu madaxweynaha ku saxiixay Sharciga oo muddo dheer la sugayey, wuxuuna sheegay in Musuqa uu ka darran yahay Kansar, isla markaana uu la degay dalalka soo koraya, isagoo sheegay inuu magacaabi doono xubno kalsooni lagu qabi karo oo Guddiga La-dagaalanka Musuqa noqon doona.
“In Caruurtaada ay dibadda kuu jiraan, adigana aad halkan ka shaqeyso sax maaha,,; ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlyey sababaha keenay inuu xoogeysto musuqa.
