War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare uu goor dhoweyd shaaciyey inuu heshiis la galay dowladda Federaalka Soomaaliya.
Madaxweyne Waare oo shir jaraa’id klu qabtay magaalada Muqdisho ayaa ka sheegay in isaga iyo Dowladda Federaalka ka heshiiyeen khilaafka u dhaxeeyay, isla markaana ay wadahadal iyo is qancin ku xaliyeen madmadowgii soo dhex galay.
Madaxweynaha Hirshabelle ayaa ugu baaqay dowladda Federaalka in wada hadal la furto maamul goboleedyada kale si loo xaliyo arrimaha dhex yaalla.
Heshiiska dowladda Federaalka iyo Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa dhabarjab ku ah madaxda dowlad goboleedyada oo ku mideysnaa diidmada waanwaan ay la galaan dowladda Federaalka, kuna xiray shuruudo adag.
AKHRISO: War-saxaafadeed uu Madaxweyne Waare kasoo saaray Heshiiska uu galay Dowladda Somalia