Madaxweynihii dalka Aljeeriya C/casiis Butatliiqa oo ahaa 82 sano jir xanuunsan oo xaaladiisa caafimaad ay liidato ayaa ku dhawaaqay inuu xilkaa iska casilay, kadib muddo 5 toddobaad ah oo banaanbaxyo iyo qas siyaasadeed ka taagnaa halkaasi.
Madaxweyne C/casiis Butafliiqa ayaa talada dalkaasi hayey muddo 20 sano ka badan, wuxuuna dalka Algeria ka saaray dagaalkii lala galay islaalimiyiinta ku sigtay inay qabsadaan talada dalkaasi, isagoo taageero ka heysta ciidamada dalka.
Madaxweynaha Aljeeriya ayaa qoraalka is casilaadiisa u gudbiyey Golaha Dastuuriga ee dalkaasi, waxaana waqtigiisa uu ekaa bishan April 28-keeda, iyadoo markii ay soo baxday is-casilaadiisa ay dabaaldeg isugu soo baxeen wadooyinka magaalooyinka waaweyn ee dalkaasi.