Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Mark Pompeo oo shir jaraa’id qabtay goor dhoweyd ayaa dalka Iiraan ku eedeeyay inay ka danbeysay weerarro maanta lagu qaaday maraakiib shidaal oo mareyay Badda Cumaan ee Khaliijka.
Wuxuu sheegay inay Iiraan halis ku heysto ganacsiga shidaalka adduunka, isla markaana ay ka danbeyso weerrarada lagu qaaday maraakiibta shidaalka lagu qaadayo, wuxuuna caddeeyay in walaaca ay qabaan ay gaarsiiyeen Golaha Ammaanka Q/Midoobay, isla markaana haddii ay sii socdaan falalka Iiraan uu Mareykanku difaaci doono danihiisa iyo xulfadiisa Bariga Dhexe.
Xoghayaha Arrimaha dobadda Mareykanka ayaa sheegay in kooxda Iiraan ay taageerto ee Xuuthiyiinta Yeman ay weerarro ku qaadeen dalka Sacuudiga, wuxuuna sheegay in Iiraa ay tahay mid ku adeeganeysa weerarro, halis gelinta amniga dunida iyo dhiig daadin.
Wax caddeyn soma bandhigin Mike Pompeo, inkastoo uu eedeymo waaweyn u jeediyey dalka Iiraan oo xiisad weyn ay kala dhaxeyso. Video ay soo bandhigay dowladda Mareykanka ayaa muujiyey ciidamo ka mida ilaalada Jamhuuriga Iiraan oo la sheegay inay waxyaabo aan qarxin ka qaadayeen agagaarka mid ka mida markabka la weeraray.
Sidoo kale Madaxweyne Trump ayaa isna qoraal uu dhigay bartiisa Twitterka ku eedeeyay Iiraan inay ka danbeysay weerarkaasi, halka war kasoo baxay Sacuudiga lagu ishaaray inay Iiraan tahay halka laga soo abaabulay weerarrada.