War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in ciidamada Mareykanka ay duqeyn cirka ah ku qaadeen kooxda Alshabaab.
Weerarkan ayaa ka dhacay Gobolka Bay maanta, waxaana lagu dilay dhowr ka mida saraakiisha Alshabaab, sida lagu sheegay war-saxaafadeed uu soo saaray taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika.
War-saxaafadeedka oo aan faahfaahin dheeraad ah ka bixin weerarka ayaa lagu caddeeyay in Mareykanku sii wadi doono inuu adeegsado tallaabooyinka loo ogolaaday ee lagama maarmaanka ah si loo difaaco Mareykanka, loogana hortago qatarta argagixiso.