Maxkamadda Cadaaladda Adduunke ee ICJ ayaa goor dhoweyd ku dhawaaqday go’aankii la wada sugayay ee ku saabsaneyd dacwadda Badda ee Soomaaliya iyo Kenya.
Xaakimka Maxkamadda ayaa akhriyay wixii dacwad ahaa ee labada dal ay gudbiyeen labada dal, wuxuuna soo xigtay doodihii labada dal ee sharciyeed.
Arrinta ugu weyn ee maxkamadu go’aamisay ayaa ahayd in heshiiskii is-afgaradka ahaa ee ay kala saxiixdeen Soomaaliya iyo Kenya uu ahaa mid sax ah oo sharci ah, qaanuunka caalamiga ahna uu qiray.
Arrinta MOU ama is-afgaradkii dowladii KMG ahayd ee Cumar C/rashiid iyo Kenya ayaa Maxkamadu u aqoonstay inuu yahay sharci iyo sax ah, isla markaana qodobada heshiiska aanu ku jirin qodob sheegaya in wax laga bedeli karo.
Arrintan ayaa micnaheedu yahay in Kenya iyo Soomaaliya ay khilaafkooda ku dhameystaan wadahadal iyo sida heshiiskaasi dhigayo, waxaana Xaakinka ugu sareeya maxkamadda uu sheegay in Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid uu qoraal uu diray ku caddeeyay in Wasiir C/raxmaan C/shakuur si rasmi ah heshiiskaasi ugu metelo dowladda Soomaaliya.
Waxay kaloo Maxkamadda diiday Diidmadkii hordhaca ahayd ee Kenya oo ah inaysan maxkamadu geli karin dacwadda labada dal.