Orodyahanka Ingiriiska ee Mo Farah ayaa kaalinta labaad ka galay tartanka ciyaaraha fudud ee magaalada London.
Orodka 5000 Mitir oo goor dhoweyd oo dhammaaday ayuu Mo Farah oo asalkiisu yahay Soomaali ka galay kaalinta labaad, iyadoo uu kaalinta koowaad uga hormaray Orodyahanka reer Itoobiya ee Mukhtar Idiris.
34 jirka Soomaaliga ah ayaa doonayay inuu guul kale kasoo hooyo tartanka London, isagoo dhowaan ku guuleystay orodka 10,000 mitir oo biladii Dahabka ahaa uu qaatay, laakiin tartankii caawa ayuu Qalin ka helay. Kaalinta saddexaad waxaa galay ninka Mareykanka ah eeĀ Paul Chelimo.