Wararka laga helayo magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabeelle ayaa sheegaya in qaar ka mida xildhibaannada Baarlamaanka Hirshabeelle ay Mooshin ka dhan ah madaxweynaah maamulkaasi u gudbiyeen Guddoonka Baarlamaanka Hirshabeelle.
Mooshinkan ayaa waxaa aqbalay oo guddoomay guddoomiyaha Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle Sheekh Cismaan Barre Maxamed, waxaana mooshinkan uu yahay mid kalsooni kala noqosho madaxweyne Maxamed Cabdi Waare.
Wararka ayaa sheegaya in xildhibaanno gaaraya 50 ay gudbiyeen Mooshinkan, iyadoo arrintan ay ka hor imaaneyso heshiis ay dhowaan Muqdisho ku gaareen madaxda Hirshabeelle iyo xukuumadda Soomaaliya.