Waxaa hadda soo dhammaaday tirinta codadka wareegii labaad ee doorashada Madaxweynaha Puntland, iyadoo loolan adag uu dhex maray saddexda musharax ee isugu soo haray.
Wareegga labaad waxaa ku loolamay: Siciid Cismaan C/llaahi Deni, Asad C/llaahi iyo Faarax Cali Shire, waxayna natiijadii noqotay: inuu 30 cod helay Jen. Asad C/llaahi halka Saciiid Deni uu helay 29 cod, waxaana musharax Faarax Cali Shire uu isna helay 7 cod.
Waxaa hadda isku dhegan oo wareegga saddexaad ku tartami doona Siciid Cismaan C/llaahi Deni, Asad C/llaahi oo si lama filaan ay taageero iyo codad u helay, isagoo ah nin da’ yar.

![DEGDEG: Musharax Siciid Deni iyo Gen. Asad oo isugu soo haray Wareegga Saddexaad [Maxaa dhacay?]](https://wadani.com/wp-content/uploads/2017/01/Degdeg.png)