War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in doorashada ku celiska ahayd ee magaalada Istanbul, dalka Turkiga uu ku guuleystay musharaxa Isbaheysiga mucaaradka ee Ekrem İmamoğlu.
Iyadoo la tiriyey in ka badan 95% codadka Doorashada magaalada Istanbul ee ku celiska ahayd ayaa waxaa hoggaaminaya musharaxa mucaaradka Ekrem İmamoğlu oo heysta codad ku dhow 54%, waxaana guushaasi qiray musharaxa xisbiga AK Party ee Binali Yıldırım oo qiray in looga horeeyo doorashada, isagoo ugu hambalyeeyay guusha uu ka gaaray doorashada.
Doorashadan ayaa muhiim u ahayd madaxweynaha Turkiga Erdogan, waxayna noqoneysaa markii labaad oo xisbiga talada haya ee AK looga adkaado magaalada muhiimka ah ee Istanbul.
AK party ayaa mar kale lumiyey magaalada ugu muhiimsan Turkiga oo dadaal weyn ay ku bixiyeen, taasoo loo arko dharbaaxo weyn oo ku dhacday madaxweyne Erdogan oo hore madax uga soo noqday magaaladaasi.
Natiijada aan rasmiga ahayn ayaa muujineysa in musharaxa mucaaradka Imamoğlu received uu helay 53.76% codadkii la dhiibtay, halka musharixii AK Party Mr. Binali Yıldırım uu helay 45.32%.