Qaar ka mida musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya ayaa kulan degdeg ah maanta isugu yimid magaalada Muqdisho.
Musharixiinta ayaa kulan loo diiday saxaafadda uga tashanaya xaaladda Doorashada Madaxweynaha oo loo asteeyay inay dhacdo 8-da bisha Febraayo 2017.
Shirkan oo ka socda Hotelka Jazeera ayaa warar ku dhowdhow ay sheegayaan in musharixiinta ay doonayaan in dib loo dhigo waqtiga doorashada iyagoo u baahan muddo dheeraad ah.
Musharixiinta kulanka ku jira waxaa ka mida:
Sheekh Shariif Sheekh Axmed
Maxamed Cabdulaahi Farmaajo
C/qaadir Cosoble Cali
C/raxmaan Maxamed Faroole
C/raxmaan C/shakuur Warsame
Jabriil Ibraahim Cabdulle
iyo Musharixiin kale
Musharixiinta ayaa dood dheer kadib isla gartay inay ogolaadaan xilliga doorashada loo qabtay, waxay go’aanadooda ku soo koobeen isbaheysi ay yeelanayaan iyo inaan lagala tashan xilliga loo qabtay inay doorashadu dhacdo.
Wadani.com