Wararka laga helayo dalka Holland ayaa sheegaya in nin hubeysan uu weerar ku qaaday xarun tareenada laga raaco oo ku taalla magaalada Utrecht.
Ninkan weerarka qaaday ayaa dhaawacay dhowr qof, sida uu shaaciyey Booliska magaalada Utrecht, marki uu rasaas ku furay dad tareen ku socdaalki lahaa, waxaana shilkani ka dhacay fagaaraha u dhow isgoyska ee Galbeedka magaalada, waxaana halkaasi xiray ciidamada amniga oo baadi baaritaan xoog leh wada.
Ciidamo badan oo wata diyaaradaha Helikobtarka ayaa goobta lagu arkay, waxaana gebi ahaan la joojiyey gaadiidka dadweynaha oo ay ku jiraan tareenada iyadoo la baadi goobayo ninka weerarka ka danbeeyay.
WARARKII UGU DANBEEYAY HOOS KA AKHRISO