War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in ku hubeysan Baangad uu weerar ku qaaday dad ku sugnaa magaalada
Reutlingen ee dalka Germany.
Ninkan ayaa la sheegay inuu dilay qof haweeney ah oo uu si ba’an ula dhacay Baangad, halka laba kale dhaawacyo uu gaarsiiyay, sida ay ku waramayaan Warbaahinta Jarmalka.
Ujeedka ninkan ayaan la ogeyn, waxaana Booliska ay qabteen ninka weerarka geystay, shilkan ayaa ka dhacay halka lagu magacaabo Listplatz square.
Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya inuu ninkan ka mid ahaa qaxootiga ka yimid Suuriya ee megangalyada u tegay dalka Jarmalka.
DAAWO SAWIRRO
Wadani.com