Qarax ayaa goor dhoweyd ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan degmada Hodon, agagaarka isgoyska Banaadir.
Qaraxa ayaa la sheegay inuu loo adeegsaday Gaari laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa oo lala beegsaday Gaadiid uu la socday Taliyaha ciidamada Booliska Gobolka Banaadir Farxaan Qaroole oo xiiligaasi halkaasi marayey.
Isgoyska Banaadir waxaa ku yaalla xarun ay leeyihiin ciidamada Booliska ee sida gaarka u tababarran ee Haramcad, waxaana qaraxa uu ahaa mid xoog leh oo ruxay qeybo ka mida caasimadda.
Wararkii ugu horeeyay ayaa sheegaya inuu Qaraxa geystay qasaare dhimasho iyo dhaawac leh, balse uu ka badbaaday Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir.
LA SOCO WIXII SOO KORDHA..
