Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in qarax xoog leh uu galabta ka dhacay magaalada Muqdisho.
Qaraxa ayaa ka dhacay xaafadda Kaawo Godey ee degmada Dharkeynley, waxaana la sheegay ina ahayd miinada dhulka la geliyo oo lagu qarxiyay Gaari uu watay sarkaal ka dowladda federaalka.
Laba askari ayaa la sheegau inay ku dhaawacmeen qaraxa oo qasaare kale geystay, waxaana goobta gaarya ciidamada ammaanka.
Qaraxa ayaa si weyn loogu maqlay xaafadaha degmooyinka Wadajir iyo Dharkinley ee Gobolka Banaadir. Wadaniyaal ayaa sheegay in qasaaruhu intaas ka badan yahay.