Qarax xoogan ayaa goor dhow laga maqlay qaar kamida degmooyinka gobolka Banaadir, iyadoo warar kala duwan ay ka soo baxayaan qaraxaasi.
Bam gacmeed ayaa lagu tuuray goob jid-gooyo ay oo ay joogeen ciidamada Booliska degmada Xamarweyne ee Gobolka Banaadir sida ay noo xaqiijiyeen ilo dhinaca ammaanka ah, ilaa iyo haddana lama soo werin wax qasaare ah oo qaraxaasi uu geystay.
Qaraxa ayaa caawa fiidkii dhacay iyadoo lala beegsaday ciidamo ku sugnaa goob gaadiidka lagu hubiyo.
Wadani.com
[ad name=”HTML-1″]