War hadda soo dhacay ayaa sheegaya inuu qarax goor dhoweyd ka dhacay magaalada Muqdisho.
Jugta qaraxa ayaa laga maqlay qeybo badan oo ka mida magaalada, waxaana cirka isku shareeray uuro, iyadoo wararkii ugu horeeyay sheegayaan inuu ka dhacay xarunta degmada Howlwadaag ee magaalada Muqdisho.
Qaraxa ayaa la sheegay inuu ka dhashay Gaari laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa oo lagu weeraray xarunta Degmada H/wadaag ee magaalada Muqdisho. Waxaa goobta gaaray ciidamada amniga, waxaana bilowday socodka gurmadka Gaadiidka degdegga ah.
Weli ma cadda balse la soco wararkeena danbe
LA SOCO WIXII SOO KORDHA…
Wararkii ugu danbeeyay Gaari Qarax siday oo lagu weerarray Xarunta Degmada Howl-wadaag ee Muqdisho