War hadda soo dhacay ayaa sheegay inuu qarax ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan agagaarka Isgoyska Sayidka ee laga ilaaliyo Madaxooyada Villa Somalia.
Goobta qaraxu ka dhacay ayaa u dhoweyd Sayidka oo qaraxyo is-miidaamin ah hore uga dhaceen, waxayna u dhowdahay wasaaradda amniga xukuumadda ee xarunta Otto Otto, iyadoo gaariga qarxay uu ahaa nooca CARIB loo yaqaan.
Qaraxa ayaa ahaa gaari laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa, waxaana goobta uu ka dhacay xiray ciidamada amniga…waxaana la joojiyey isu socodkii dadka iyo gaadiidka.
Wararkii ugu danbeeyay ee qaraxa ayaa sheegaya inuu ku dhintay qofkii Gaariga waday.