Wararka laagh helayo Magaalada Gaalkacyo ayaa sheegayn Qarax Is-miidamin ahaa uu magaalada ka dhacay goor dhoweyd.
Qraxa ayaa la sheegay in loola dan lahaa taliyaha Ciidamada isku dhafka ee Gobolka Mudug, gaar ahaan magaalada Gaalkacyo ka howlgala, waxayna wararkii ugu danbeeyay sheegayaan inuu dhaliyey qasaare dhimasho iyo dhawac leh oo u badan Ciidamo.
Wararka ayaa sheegaya in 2 qof ay ku geeriyoodeen iyadoo 6 kalana dhaawac kasoo gaaray, waxaana weli isa soo taraya faahfaahinta qaraxa. Sarkaasha Ciidamada Gaalkacyo ayaa sheegay in qaraxa lala beegsaday taliyihii ciidmada isku dhafka ah iyo ciidamo la socday
Waxaa qaraxa ku geeriyooday Taliyihii ciidamada isku dhafka Col. Cabdi C/laahi Maxamuud (Xoreeye), iyo Sarkaal kale oo lagu magacaabo Cabdi Qani Axmed Qeyre.