War hadda soo dhacay ayaa sheegaya inuu qarax ka dhacay caasimada Muqdisho, kaasoo lagu sheegay inuu geystay qof isku soo xiray waxyaabaha qarxa, halka warar kale sheegayaan inuu ahaa miino goobta la dhigay.
Qaraxa ayaa goor dhoweyd ka dhacay Isgoyska Macalin Nuur ee Ex. Kontrol Afgooye, halkaasoo ah goob ay xireen ciidamada dowlada oo Amniga laga ilaaliyo. Waxaa qaaare kasoo gaaray dadweyne la socday Gaari BL ah.
Waxaa goobta yaalay jirka qofka la sheegay inuu qarxiyey, siiba lugihiisa jirkiisa qeybo ka mida, waxaana sidoo kale goobta ku waxyeloobay ilaa 7 qof oo shacab ah oo dhaawacyo kasoo gaaray, iyadoo qof uu xaalkiisu liitay.
Wararka ayaa sheegaya in goobta qaraxa ka dhacay ay u xirneyd ciidamada Amniga, waxayna ahayd Busteejo Gaadiidka laga raaco. Qofka is-miidaamiyaha ahaa ayaa la sheegay inuu isku qarxiyey dad shacab ah dhexdooda.
