Wararka laga helayo magaalada Nairobi ayaa sheegaya inuu qarax ka dhacay hotel ku yaalla magaaladaasi, isla markaana rasaas laga maqlay gudaha hotelka.
Wararkii ugu horeeyay ayaa sheegay in laba qarax ay ka dhaceen Hotelka Dusit Hotel, waxaana dab qabsaday gawaari fara badan oo goobtaasi ku sugnaa, iyadoo ciidamo fara badan halkaasi loo diray.
Telefishinada Kenya ayaa muujinaya qiiq ka baxaya halka qaraxu ka dhacay oo ah Dusit hotel oo ku yaalla degmada Westland oo ay ku badan yihiin dadka ajnabiga ah iyo dabaqadda sare.
Xaaladda ayaa kacsan, waxaana wakaaladaha wararka ay shaacinayaan in qaraxa uu ahaa mid xoog leh oo ay ka dambeysay rasaas ka dhaceysa meel u dhow hotelka.
DAAWO: Sawirradii ugu horeeyay Qaraxyo ka dhacay Magaalada Nairobi & Faahfaahin laga helay