Qaraxyo xoog leh ayaa laga maqlay magaalada Muqdisho goor dhoweyd iyadoo wararkii ugu horeeyay sheegayaan in madaafiic hoobiyeyaal ah ay ku dhaceen Degmada Wardhiigley dhabarka dambe ee Madaxtooyada Villa Somalia.
Qaraxyada ayaa saameyn ku yeeshay agagaarka madaxtooyada waxaana goobaha ay ku dhaceen madaafiicdaasi degdeg u gaaraya gawaarida gargaarka degdegga ah ee Ambulance-ka.
Weerarka ayaa loola dan lahaa madaxtooyada Villa Soomaaliya oo fariisin u ah madaxda sare ee dowladda federaalka, laakiin waxay madaafiicdu ku dhaceen agagaarka Madaxtooyada iyadoo waxyeelo kasoo gaartay dad shacab ah, waxaana weli socda daadgureynta dhaawaca.
Wararka hordhaca ah ayaa ku waramaya inuu jiro qasaare dhimasho iyo dhaawac leh. Weerarka madaafiicda waxaa ku dhintay laba ruux oo shacab ah iyadoo lagu dhaawacay 3 kale.
Faahfaahinta filo goor dhow….
Wadani.com