Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya inuu qarax xoog leh goor dhoweyd ka dhacay magaalada Muqdisho gaar ahaan xarunta Gaadiidka Booliska ee Degmada C/casiis.
Qaraxan ayaa warar hordhac ah oo kasoo baxay ay sheegayaan inuu ka dhashay gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo la dhigay albaabka Xarunta Gaadiidka Booliska oo ku dhow Hotelka City Palace iyo kasoo horjeedka garoonka kubadda Cagta ee Banadir.
Qasaaraha qaraxa oo hadda uun soo baxaya ayaa sheegaya inay jiraan dhimasho iyo dhaawac, waxaana hadda socda gurmadka, ciidamada dowlada ayaa xiray goobta qaraxu ka dhacay.
Faahfaahinta la soco….
Wadani.com