War hadda soo dhacay ayaa sheegaya inuu goor dhoweyd Qarax ka dhacay magaalada Muqdishom gaar ahaan agagaarka taallada Daljika Dahsoon.
Qaraxa ayaa la shegay inuu ka dhacay agagaarka Baar Italia oo ku yaalla inta dhaxeysa Taalada Daljirka Daahsoon iyo Hotelka Naasa-Hablood 2, waxaana goobta ka kacay uuro xoog leh.
Goobta qaraxa ka dhaca ayaa waxaa ku yaalla kaalin shidaal iyadoo laga cabsi qabo inuu dab qabsado. Wararkii ugu horeeyay ee qaraxa ka soo baxay ayaa sheegaya inuu ahaa Gaari, waxaana goobta xiray ciidamada amniga.
LA SOCO WIXII SOO KORDHA…