Qarax xoog leh ayaa goor dhoweyd ka dhacay magaalada Muqdisho, kasoo laga maqlay bartamaha magaalada.
Qaraxa ayaa ka dhacay Suuqa weyn ee Xamar-weyne, waxaana wararkii ugu danbeeyay sheegayaan in qaraxa oo ahaa gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa lala beegsaday Baar lagu magacaabo London Gate restaurant oo ku yaalla Suuqa Xamarweyne.
Gaariga ayaa ku qarxay meel u dhow hotelka iyadoo ay jiraan qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, waxaana goobta xiray ciidamada ammaanka.
Gaadiidka gurmadka ayaa gaaray goobta qaraxa ka dhacay, waxaana socda howlgal lagu badbaadiyo dadka dhaawaca iyo waxyeelada kasoo gaartay qaraxa.
SAWIRRO & FAAHFAAHIN: Qasaarihii ka dhashay Qarixii ka dhacay Xamarweyne