War hadda soo dhacay ayaa sheegaya inuu goor dhoweyd Qarax ka dhacay magaalada Muqdisho, siiba agagaarka Madaxtooyada Soomaaliya.
Qaraxa oo jugtiisa laga maqlay qeybo ka mid magaalada ayaa wararkii ugu horeeyay sheegayaan inuu ka dhacay inta u dhaxeysa Tiyaatarka Qaranka iyo Daljirka Dahsoon, una dhow Taallada kale ee Xaawo Taako, halkaasoo kaalin shidaal u dhowdahay, horena ay qaraxyo waaweyn uga dhaceen.
Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya inuu jiro qasaare qarax ka dhacay Gaari laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa… waxaana goobta uu qaraxu ka dhacay laga ilaaliyaa Madaxtooyada Soomaaliya.
Waxaa hadda gubanaya goobta qaraxu ka dhacay, iyadoo la maqlay qaraxyo kale oo yaryar iyo rasaas dhaceysa…