Qarax kale ayaa ka dhacay Hotelka weerarku ka socdo ee magaalada Nairobi, oo kooxda Alshabaab ay sheegatay inay howlgal ka wado.
Daqiiqado ka hor ayaa qarax weyn laga maqlay hotelk Dusit ee Degmada Westland, magaalada Nairobi, kaasoo ay gudaha u galeen dabley ak tirsan Alshabaab, kadib laba qarax oo halkaasi ka dhacay.
Qaraxa oo ahaa mid weyn ayaa ahaa gaari ay dableyda uga tageen agagaarka hotelka oo ciidamada ay dadka ka celinayeen inay u dhowaadaan, waxaana qaraxiisa uu dhaliyey argagax. Dableyda hotelka gudaha u gashay ayaa tiradooda lagu sheegay 4 ilaa 6 dabley ah oo xoog u hubeysan,. waxaana hotelka agagaarkiisa laga kaxeeyay dadkii ku sugnaa.
Qasaaraha weerarka ayaa weli soo baxaya iyadoo la xaqiijiyey dhimashada 3 qof iyo dhaawaca 14 kale, waxaana laga cabsi qabaa in qasaaruhu sii kordho.