Qarax labaad aya goor dhoweyd ka dhacay magaalada Muqidsho, kadib Saacad iyo Bar markii uu qarax weyn ka dhacay agagaarka Hotelka Maka Almukarama.
Qaraxa labaad oo isna xoog lahaa inkastoo aanu gaarsiisneyn midkii koowaad ayaa la sheegay inuu ka dhacay agagaarka hotelka Naasa-hablood 1 oo u dhow agagaarka Km4 , waxaana uu yimid, iyadoo si weyn looga cabsi qabay inay qaraxyo kale dahcaan, iyadoo loo gurman waayey dadkii ku waxyeeloobay qaraxii hore.
Xaaladda ayaa kacsan, waxaana wararku sheegayaan in dabley Alshabaab ka tirsan ay ku jiraan dhisme ku dhow Hotelka Maka Almukarama, halkaasoo ay rasaas iyo Bambooyin ka ridayaan, waxaana goobta xiray ciidamada Amniga.
LA SOCO WIXII SOO KORDHA…