Qarax xoog leh oo la sheegay inuu ahaa mid ka dhashay qof is-miidaamiye ah ayaa goor dhawayd Hotelka Unlaaye ee Waqooyiga magalada Gaalkacyo una dhow Hotelka kale ee Capital.
Wararka ayaa sheegaya in qaraxa ay ku dhinteen ilaa 6 ruux ayna jiraan dhaawacyo fara badan, waxaana qeyb ahaan la sheegay inuu burburay Hotelka Unlaaye.
Qaraxa ka dib waxaa goobta ka dhacay rasaas xoog leh, waxaana halkaasi gaaray ciidamada maamulka Gaalkacyo ee hoos taga Puntland.
Gurmadka degdega ah ayaa socda, iyadoo xaaladda magaalada ay kacsan tahay, waxaana wararkii ugu danbeeyay ay sheegayaan in qasaaraha dhimashada iyo dhaawaca ay sii kordhayaan.
Wararka qaar ayaa sheegaya in qaraxa Wakiilka Wasaaradda Maaliyada ee Gobalka Mudug Siciid Cali Yuusuf (Gaadayare) ninkan oo la dhashay siyaasiga Maxamed Cali Yuusuf (Gaagaab).
Qaraxyadan ayaa hore looga digay inay kadib markii Alshabaab ay maleeshiyooyin badan dhinaca xeebta ka galeen degaanada Puntland, waxaana laga cabsi qabaa in is miidaamiyeyaal fara badna ay Alshabaab qarsoodi ku geliyeen Puntland.
Wadani.com