War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in qarax xoog leh uu goor dhoweyd ruxay magaalada Muqdisho.
Qaraxa ayaa ka dhacay Wadadda Maka Almukarama iyadoo jugta qarax laga maqlay qeybo ka mida caasimadda Muqdisho.
Ciidamada ammaanka ayaa xiray inta u dhaxeysa Isgoyska Dabka iyo Wadadda Shaqaalaha, waxaana la joojiyay isu socodka Gaadiidka iyo dadweynaha.
Wararka ayaa sheegaya in rasaas ay markii hore dhacday kadibna uu qarax culus xigay. Saraakiisha ammaanka ayaa sheegay inay Ciidamada ka hortageen gaari waxyaabaha qaraxa laga soo buuxiyay oo wadadda Maka Almukarama la dhigay.
FAAHFAAHIN: Qarax Gaari oo laga hortegay iyo Is-miidaamiye baxsaday oo la raadinayo