Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in qarax weyn uu ka dhacay agagaarka Garoonka diyaaradaha Muqdisho.
Qaraxa ayaa la sheegay wadadda Afisyoone garoonkii Ciidamada Cirka adeegsan jireen oo ay marto wado tagta garoonka Muqdisho, agagaarka suuqa beerta waxaana qaraxa loo adeegsaday Gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha Qarxa oo halkaasi la dhigay.
Wararka ayaa sheegaya in meel u dhow goobta qaraxa ka dhacay uu ku sugnaa madaxweyne Xasan Sheekh oo halkaasi u tegay munaasabad uu kaga qeyb galayay.
Qasaaraha qaraxan geystay ayaa la sheegay inay isugu jiraan dhimasho iyo dhaawac, waxaana wararkii ugu dambeeyay ay sheegayaan in ciidamo iyo dad shacab ah ku dhinteen.
Wadani.com