Qarax aaad u culus oo gilgilay inta badan caasimadda Muqdisho ayaa goor dhoweyd ka dhacay magaalada Muqdisho.
Qaraxa ayaa ka dhacay agagaarka Madaxtooyada Soomaaliya, siiba inta u dhaxeysa Taallada Daljirka Dahsoon iyo Tiyaatarka Qaranka oo laga ilaaliyo Madaxtooyada Soomaaliya. waxaana ja qaraxa laga maqlay degmooyinka caasimada, iyadoo wararkii ugu horeeyay ay soo baxayaan, waxaana cirka isku shareeray uuro iyo qiiq.
Gaari laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa oo loo maleynayo inuu waday qof is-miidaamiye ah ayaa ku qarxay bar koontarool oo ay ku sugan yihiin ciidamada amniga una dhow Taallada Daljirka Dahsoon, iyadoo qasaare kala duwan lasoo sheegay inuu ka dhashay qaraxa.
Qaraxa kadib ayaa la maqlay rasaas kala duwan oo ka dhaceysa gooba qaraxu ka dhacay, waxaana halkaasi xiray ciidamada amniga iyo kuwa ilaalada madaxtooyada.