War hadda soo dhacay ayaa sheegaya inuu qarax xoog leh goor dhoweyd ka dhacay magaalada Muqdisho.
Qaraxa oo lag maqlay qeybo badan oo ka tirsan caasimadda ayaa ka dhacay jidka mashquulka badan ee Maka Almukarama, waana qaraxii labaad ee maanta saacado gudahood ka dhaca caasimadda, kadib qarixii Gaariga lagu xiray ee saaka dhacay.
Wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo qaraxa ayaa sheegaya inuu ka dhacay agagaarka Isgoyska Dabka, siiba meel u dhow Saldhiga Degmada Waaberi, waxaana qaraxa uu aad ugu dhowaa maqaayad laga cunteeyo.
Waxaa goobta qaraxa ka dhacay ku soo socda gawaarida gurmadka, iyadoo ciidamada ay xireen wadadda.