War hadda soo dhacay ayaa sheegaya inuu qarax xoog leh ka dhacay magaalada Muqdisho, kasoo laga wada maqlay caasimadda.
Qaraxa ayaa la sheegay inuu ka dhacay Isgoyska KM 4, wadadda aada garoonka magaalada Muqdisho, iyadoo la beegsaday barta Koontaroolka ee laga ilaaliyo garoonka diyaaradaha Muqdisho, waxaana cirka isku shareeray uuro iyo holac.
Qaraxa oo ahaa mid aad u xoog badan ayaa saameyn ku yeeshay Isgoyska Mashquulka badan ee KM4, waxaana laga cabsi qabaa in qasaare baaxad leh uu dhaliyey..
Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in qaraxa uu saameyn ku yeeshay Kaalin shidaal oo ku dhow barta Koontaroolka, iyadoo dab xoog leh uu ka socdo halkaasi,