Qarax aad u xoog badan ayaa goor dhoweyd ruxay magaalada Muqdisho, iyadoo laga maqlay inta badan degmooyinka magaalada.
Qaraxa ayaa wararka hordhaca ah sheegayaan inuu ka dhacay Agagaarka Madaxtooyada Villa Somalia ee magaalada Muqdisho, wuxuuna ahaa kii ugu weynaa ee dhowaanahan ka dhaca.
Qarax ayaa aad ugu dhowaa hotelka SYL iyo beerta Nabadda ee dhabarka dabe ee Hotelka ku taalla oo jimcihii loo nasasho tago, waxaana cirka isku shareeray uuro iyo holac iyadoo xaalada ay kacsan tahay…. rasaas ayaa la is weydaarsaday qaraxa kadib, mana cadda weli inay yihiin ilaalada goobaha muhiimka ah ee ka agdhow iyo in iska hor imaad ku xigtay qaraxa.
Qaraxa oo agaa gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa ayaa ku qarxay iridka beerta Nabadda oo ah gooba loo nasasho tago.
WIXII KU SOO KORDHA LA SOCO…
Wadani.com