War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in qarax xoog leh uu ka dhacay magaalada Muqdisho, kaasoo ruxay qeybo badan oo ka mida caasimadda.
Wararkii ugu horeeyay ee kasoo baxay ayaa sheegaya in qaraxa lala beegsaday xarunta degmada Hodon ee magaalada Muqdisho, iyadoo ay halkaasi gaareen ciidamo fara badan.
Waxaa cirka isku shareertay uuro iyo qiiq madow, iyado la xiray wadooyinka gala goobta qaraxu ka dhacay..
Qaraxa ayaa loo adeegsaday Gaari waxyaabaha qaraxa laga soo buuxiyey oo loo maleynayo inuu waday ruux is-miidaamiye ah, wuxuuna ku soo beegmayaa iyadoo toddobaadkii hore qarax weyn lagu baabi’iyey xaruntii degmada Howlwadaag ee magaalada Muqdisho, kasoo ay Alshabaab sheegatay.
Weerar is-miidaamin ah oo lagu qaaday Xarunta Degmada Hodon & Warar cusub oo laga helay [Warbixin]
Weerar is-miidaamin ah oo lagu qaaday Xarunta Degmada Hodon & Warar cusub oo laga helay [Warbixin]