Qarax xoog leh oo laga maqlay inta badan caasimadda Soomaaliya ayaa goor dhoweyd ka dhacay agagaarka Dugsiya Sare ee Booliska magaalada Muqdisho.
Wararkii ugu horeeyay ayaa sheegaya inuu qaraxu ka dahcay agagaarka Dugsiga sare ee Booliska ee Jeneraal Kaahiye, magaalada Muqdisho oo xarun u ah ciidamada Booliska ee howlgalka ka wada magaalada.
Qaraxa ayaa loo adeegsaday Gaari laga soo buuxiyey waxybaaha qaraxa ku qarxay bar koontarool oo u dhow taliska ciidamada ee jeneraal Kaahiye, degmada Xamar jajab.
Waxa goobta gaaray ciidamada amniga iyo gaadiidka gurmad degdegga ah, waxaana la sheegay inuu jir oqasaare dhimasho iyo dhaawac leh.